DEG DEG:-Darawal Mooto Bajaaj oo Goordhow lagu dilay M/Muqdisho

Dilkaan ayaa ka dhacay agagaarka Masjidka Marwaas degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir,kadib markii Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu ninkaas rasaas ku furay.

Mid ka mid ah Darawalada Bajaajta oo la hadlay Dalsan in dilka uu yimid kadib markii darawalka Mootada uu ku dhawaaday Gaari uu saarnaa Askariga wax dilay taas oo keentay in Askarii rasaasta furo.

Darawalkii Bajaajlaha ahaa ayaa isla Goobta ku geeriyooday,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la qabtay Askarigii ka dambeeyay dilka Darawalka Bajaajlaha ah

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media