Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo milateri ah oo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,isla markaana ay isu adeegsanaayan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo aan qaarkood la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegen in uun ay hal mar ka warheleen dagaalka oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana ay cabsi soo wajahday dadka ku nool degmada Balcad.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com