Wararka naga soo agaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow uu halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.
Dagaalka kahor ayaa lagu soo waramayaa in ay jirtay madaafiic ay dhinacyada isku adeegsanayeen,waxaana hadda deegaankaas laga maqlayaa jug culus iyo daryanka hubka ay isku ridayaan.
Saakay ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay Ciidamo aad u farabadan ay keeneen deegaanka Tukaraq,taas oo xiisada sii xoojisay.
Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa ku sugan deegaanka tukaraq,waxaana wli jirin waan waan lag dhex wado laba ciidan ee wada dagaalamaya.
Wixii kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com.