DEG DEG:- Dagaal ka socda Isgooyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ka socda isgooyska Tarabouunka ee magaalada Muqdisho,wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada iyo koox burcad ah ay isku dhaceen waxaana la maqlayaa rasaas xoog leh oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Dada goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegay in ay ka war heleen rasaas mar qura is qabsatay isgooska Tarabuuka kadibna ay dadkii ku sugnaa halkaas eek u lahaa goobaha ganacsi ay ku kala carareen.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid xaqiijin karta waxa sababay dagaalkaan waxaana weli hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka,lamina xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka shay dagaalkaan.

Lasoco Wararka ku soo kordha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media