DEG DEG: Dagaal ka socda Degmada Cadaado

Wararka aan ka helayno  Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaal uu caawa ka dhacay degmadaasi, waxana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagaalkaas.

Wararkuw axa ay sheegyaan in iska hor imaad Kooban uu dhexmaray Ciidanka NISA iyo Ciidan malleyshiyo beeleed ah oo ku sugan degmada, kuwaas oo la sheegayo in ay yihiin kuwa aad u hubeysan.

Dad Goob joogayaal ah ayaa soo sheeegaya in rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan si weyn looga maqlayo Cadaado, waxaana wali la maqlayaa hubka Noocyadiisa kala duwan oo dhinacyadu isku adeeegsanayaan.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas iska hor imaadka ah, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media