Wararka aan hadda ka heleyno Bariga gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow uu dagaal ka bilaawday deegaanka Godad ee Gobolkaasi Mudug.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo Xoolo Dhaqato ah kuwaas oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa haatan halkaasi ka socda, waxana jira khasaaro soo kala gaaray laabda dhinac sida uu Dalsan u xaqiijiyay qof ka mid ah dadka ku nool deegaanka Godad.
Deegaanka Godad oo deris la’ah deegaanka Jeexdin ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal la xiriira dhanka aanooyinka qabiilka kuwaas oo u dhaxeeya labada Maleeshiyo Beeled ee halkaasi ku dagaalamaya.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com