Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaan dhinaca Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka qarxay dagaal Xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Jabhadda Kornel Saciid Cawil Jaamac Caare iyo kuwa ka tirsan maamulka Soomaaliland.
Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanka Dhoob oo ka tirsan Gobolka Sanaag,kaasi Magaalada Ceergaabo ka xiga Bari una qiyaastii 45 KM,isla markaana waxaa uu dhexmarayaa Ciidanka Jabhadda Korneel Caare iyo Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ka tegay degaanka Yubbe.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in dagaalkaas uu yahay mid xoogan,isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan,welina lama oga Khasaaraha ka dhashay.
Dhinca kale waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa deegaano hootaga Degmada Ceel-Afweyne ee Gobolka Sanaag,taasi oo u dhexeeya labada Maleeshiyo Beeleed oo halkaasi wada dega,iyadoona saakay Ceel-Afweyn lagu soo rogay Bandow.