DEG DEG:-Dagaal culus oo ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan goordhow in tuulo hoostagta  degmadaasi uu ka qarxay dagaal xoogan.

Dagalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka socdo tuulada lagu magacaabo Ceel-muluq oo hoostagta Degmada Cadale,waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu  sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo laba Maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi ,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Ilaa iyo hadda lama ogg Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay dagaalkaas ka socda Tuulada Ceel-muluq ee hoostagta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor