DEG DEG:- Dagaal Culus oo ka socda degmada Balcad ee Gobalka Sh/dhexe

Wararka Idaacada Dalsan caawa ay ka helayso degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Alshabaab uu ka socdo magaalada,waxaana la maqlayaa rasaas ka dhaceysa dhowr jiho.

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku soo qaadeen degmada Balcad waxana haatan socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Alshabab,dagaalka xooggiisa ayaa ka socda meel ku dhow xarunta degmada iyo Ex: Wershaddii hore ee Dharka oo ku taal Balcad.

Dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in dhinacyadu ay isku adegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan,Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay ridayaan hub culus welina dagaalku waxa uu ka socda gudaha degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid ogaan karta khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama xiligu uu yahay habeen dadka intooda badana ay ku jiraan guryahooda in kasta oo ay dareemayaan baqdin badan,dhinaca maamulkuna weli kama uusan hadala dagaalkaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media