War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Guri ku yaalla Xaafadda Cali Kamiin ee Degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir uu ka socda howlgal Ciidanka Booliska Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan.
Guriga uu howlgalka ka socdo ayaa waxaa ku jira ruux la sheegay in gelinkii dambe ee galab weerar Bam gacmeed ahaa uu ku qaaday fariisin Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Xaafadda Furayaasha eek a tirsan degmadaas,isla markaana ay soo eryadeen Ciidanka ,hayeeshee uu ka galay guri ay ku sugnaayeen dad Shacab ah.
Ciidanka ayaa haatan isku gadaamay guriga uu ku jiro Ninka hubeysan,waxaana la sheegay in Ninkaas uu guriga dhexdiisa ka soo tuurayo Bambooyin.
Sidoo kale marar qaarka ayaa waxaa Caawa la maqlayaa rasaas xoogan oo ridayan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo halkaasi ku sugan.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ka dhacay Degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir.