DEG DEG:-Ciidamada Soomaaliland oo Goordhow xiray Boqor Buur Madoow

War Goordhow naga soo gaaray Magalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay Xabsiga dhigeyn Boqor Cusmaan Ow Maxamuud oo loo yaqaano (Buur Madoow) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliland

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn sababta loo xiray Boqor Buur Madoobe ayaa hadana waxa uu Boqorka laba Maalin ka hor  uu ka qeyb galay munaasabad lagu caleemo saarayay Beel Daajiye Maxamed oo lagu qabtay Magalada Carmo ee Gobolka Bari.

Boqorka ayaa xiligaas hadal uu ka jeediyey Xaflada waxa uu ugu baaqay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Soomaaliland in ay xaliyaan xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka tukaraq ee gobolka Bari.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media