DEG DEG: Ciidamada Gaashan oo la wareegay hotelka Ambassador

Ciidamada Gaashan ee sida gaarka u tababaran ayaa goor dhaw si toos ah ula wareegay gacan ku heynta hotelka Ambassador oo rasaas iyo qaraxyo laga maqlayay ilaa iyo xalay.

Ciidamada ayaa toogtay sida SONNA ay sheegtay dhamaan kuwii weerarka ku soo qaaday hotelka,iyaga oo soo badbaadiyay dadkii ku go’doonsanaa tan iyo shalay.

Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhimatay weerarkasi oo ay ku jiren laba xildhibaan oo kala ahaa Xildhibaan cabdullahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guure.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor