Warar aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Saldhiga Biyo Kulule ee Magaaladaasi lagu tuuray Bam gacmed.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in Ragg hubeysan ay ku tureen Bam Gacmeed Saldhiga Biyo Kulule oo ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,isla markaana uu ka dhashay Khasaaro.
Waxaa la sheegay in hal Askari oo ka tirsan Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga uu dhaawac kasoo gaaray Bamkii Caawa lagu tuuray Saldhiga Boosaaso.
Dhawaan aheyd markii xili habeen ah Xarumo ay leedahay Puntland iyo Saldhiga Biyo Kululle sidaan oo kale loogu tuuray Bam Gacmeedyo is xig-xigay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war oo kasoo baxay laamaha amniga Magaalada Boosaaso oo ay uga hadlayaan Bam Gacmeedka Caawa lagu tuuray Saldhiga Magaaladaasi.