DEG DEG:- Alshabaab oo la wareegay deegaan hoostaga magaalada Boosaaso ee gobalka Bari

Ciidamadii maamulka Puntland eek u sugnaa deeganka Af Urur ee gobalka Bari ee maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen deegaankaas iyada oo ilaa iyo hadana aan la ogayn sababta ka dambaysay.

Dhinaca kalana warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaankaas iyada oo waxa dagaal ah uusan ka dhicin ciidamadii maamulka Puntlana ay faarujiyeen.

Warar lagu qoray baraha Enternetka ee taageera dhaq-dhaqaaqa shabaab ayaa lagu sheegay in ay si buuxda Al-shabaab ay u maamulayaan degaanka Af urur ee dhanka Koofureed kaga toosan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor