DEG DEG:- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo xilka laga qaaday

Waxaa Goordhow xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir Nuur ,iyada oo dhinaca kalana la mideeyay Agaasinka Wasaaradda waxbrashada  Hiddaha iyo tacliinta Sare.

warar aan ka helnay Xafiiska Wasiirka ayaa sheegaya in labadii Agaasime Guud ee Wasaaradda ee kala maamulayey Qeybta waxbarashada iyo Tacliinta sare lagu qanciyey in ay xilalkaas ka tanaasulaan, iyada oo hadda la mideeyey labada Agaasime.

Xasan Maxamed Cali Taata ayaa loo magacaby Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta Sare, Xasan Taata ayaa sadaxdii sano ee ugu dambeysay Lataliye ka ahaa Wasaaradda Waxbarashada.

Xubnaha Xilka waayey waxa ay kala yihiin Maxamed C/qaadir Nuur oo ahaa Agaasimihii Guud ee Waxbarashada iyo Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ahaa Agaasimihii Guud ee Tacliinta sare.

Goordhow la socda wareegtada oo dhamestiran

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media