HomeWararDEGDEG: Weriye Xuseen Xasan Dhaqane oo si KMG ah looga sii...

DEGDEG: Weriye Xuseen Xasan Dhaqane oo si KMG ah looga sii daayey Xabsiga Xeraddii Lama-galaay ee Beled-weyne.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wararka naga soo gaarayo magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in Weriye Xuseen Xasan Dhaqane oo ka tirsan  Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da si KMG ah loo sii daayey, kadib, markii ay Maamulka Gobalka Hiiraan shalay galab ku xireen Xarunta Hay’adda Sirdoonka  ku leedahay Xeraddii Milliteriga ee Lama-galaay ee magaalladda Beled-weyne. Tifaftiraha Radio […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka naga soo gaarayo magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in Weriye Xuseen Xasan Dhaqane oo ka tirsan  Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da si KMG ah loo sii daayey, kadib, markii ay Maamulka Gobalka Hiiraan shalay galab ku xireen Xarunta Hay’adda Sirdoonka  ku leedahay Xeraddii Milliteriga ee Lama-galaay ee magaalladda Beled-weyne.

Tifaftiraha Radio Dalsan oo  la xiriiray Weriye Dhaqane  waxa uu u  xaqiijiyey inuu haatan si KMG ah bannaanka u joogo, lagana soo saaray Xabsiga uu ku xirnaa.

- Advertisement -

 

Weriye Dhaqane ayaa u muuqday inuusan weli dib u helin Xorriyadiisa Shaqsi ahaaneed, isla markaana laga yaaabo inay Maamulka Gobalka Hiiraan mar kale u yeeraan, si ay wax uga weydiiyaan Eedeymaha ay sheegeen inay u haystaan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan, Cali Jayte ayaa bixiyey Amarka lagu xirey Weriye Dhaqane oo ah Wakiil-wareedka VOA-da ee Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ee Somalia.

Xarigga Weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa waxa uu qeyb ka yahay Tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta ka hawl-gala gudaha Somalia,  kuwaasi oo Dhibane Dulman u noqday Shaqsiyaadka ku caan baxay Xad-gudubka loo geysto Suxufiyiinta Madaxa-bannaan ee aan haysanin Hay’addo ka difaaca Tacadiyadaasi.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts