Darawal Gaari oo Maanta loogu dilay Magaalada Muqdisho lacag Laaluush darteed

Askari Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee Minishiibiyada ayaa Maanta darawal kamid ah kuwa kaxeeya gaadiidka nooca xamuulka qaada ku dilay wadada hormarta Iskuulka 21-ka October ee Magaalada Muqdisho.

Dilka loo geystay darawalka ayaa ka yimid, kadib markii askariga uu darawalka ku amray inuu gaariga weyn ka leexiyo wadada oo Jaam ka jiray, isla markaana askariga iyo darawalka uu muran kooban soo kala dhex-galay, kadibna askariga uu dilay Ninka.

Qaar kamid ah darawalada gaadiidka xamuulka ee ka shaqeya dekadda Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in askariga uu darawalka u dilay lacag laaluush ah oo uu doonayay inuu siiyo, xilli uu gaariga Canshuurnaa , uuna darawalka watay cadeyn.

Darawalada oo xirtay wadada hormarta Iskuulka 21-ka October ayaa Madaxweynaha iyo dowladda ka dalbaday inay sharciga horkeenaan Askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday, iyagoona intaas kusii daray inay cabasho ka yihiin askarta dowladda ee ku sugan baraha koontarool qaar, oo ay sheegeen inay ka qaadan lacag sharci darro ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay si arxan darro ah ugu dileen darawalo gaadiid oo ka shaqeyn jiray Muqdisho, iyagoona dilalkaas inta badan ku yimid sababo la xiriira muran lacageed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor