Masuu’liyiinta Isra’il ayaa Axaddii sheegay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay, in ninka hubeysan oo watay baabuur xammuul ah oo ka yimid dhanka Urdun uu ku soo dhawaaday isgoyska Allenby, kaddibna rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil.
Waxay kaloo sheegeen in saddex qof ee uu dilay ay ahaayeen rayid ay da’doodu aheyd 50 sano jirro. Ninkan oo la xaqiijiyay in uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada Isra’il ee ilaalila marinka laga soo galo Daanta Galbeed.