• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Danjire Abuukar Baalle “ Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 3, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa maanta, 3-dii bisha Jannaayo, Golaha Ammaanka ee QM uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa ugu horrayntiiba cambaareeyey hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda waddo baaritaan buuxa, ayna ku dabajirto dadkii ka danbeeyey falkaas.

Danjiraha ayaa sidoo kale si faahfaahsan Golaha ula wadaagey horumarka dhinacyada badan leh ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay mudaddii uu xilka hayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjire Abuukar ayaa sidoo kale xusay in dowladda hadda jirta ay si dhaw ula shaqaynayso hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey isaga oo sheegay in Soomaaliya ay QM ku biirtey isla markii ay sannadkii 1960-kii madaxbannaanideeda heshay, ayna ixtiraamto qawaaniinta iyo shuruucda QM.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in sharciyadda iyo sharafta dowladda Feradaalka Soomaaliya ay gacanta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxa uu tibaaxay in xukuumadda hadda jirta ay ku hawlgasho doonista shacabka Soomaaliyeed ee ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo maqaam u qalma ku dhex leh adduunweynaha.

Danjire Abuukar oo ka hadlaya dhacdadii ay dowladdu ku cayrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya, Mudane Nicholas Haysom, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u kala duwan yihiin ururrada caalamiga ah ee ay ka tirsan tahay iyo falalka saamaynta taban leh ee uu qof gaar ah ku kaco. Danjiruhu wuxuu muujiyey sida dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan habmaamuuska iyo dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka ilaa hadda lagu tallaabsaday.

Danjire Abuukar waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid go’aannadeeda u madaxbannaan, ayna hadda dagaal kula jirto argagaxisada, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sidaasi darteedna ay u baahan tahay in la garab istaago oo aan la dibindaabyeyn.

Danjire Abuukar oo arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in labadii doorasho ee Soomaaliya ugu danbeeyey ay Wakiillada QM u qaabbilsan Soomaaliya ku celcelin jireen in doorashada qof argagaxiso hore ugu lug lahaa ay noqonayso tallaabo dib-u-gurasho. Sidaasi darteed waxa Danjiruhu Golaha u sheegay inaanay aqbali doonin dhalleecayn iyo in xubno argagaxiso ah la difaaco iyaga oo laga dhigayo kuwo aan waxba galabsan oo jallaatada gadi jirey

Previous Post

Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Baay

Next Post

Wakiilkii QM oo Warbixin ka gudbiyay xaalada Soomaaliya

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party
English News

Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party

May 15, 2025
Next Post

Wakiilkii QM oo Warbixin ka gudbiyay xaalada Soomaaliya

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00