Dalka Maali oo yeeshay Ra’iisul Wasaare Cusub

Madaxweynaha dalkaasi, Ibraahim Buubakar Keyta waxa uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalkaasi, Bubu Ciise  u magacaabay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

Magacaabistan ayaa timid, maalmo kadib, markii  ay is-casileen Ra’isul-wasaarihii dalkaasi, Sumeylo Buubeye Mayga iyo Xukuumadiisa oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen inay hub-ka-dhigis ku sameeyaan Maleeshiyo Beeleedyo Xoolo-dhaqato iyo Beeralay oo ku nool Waqooyiga dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay ee Maarso, iska horimaad dhex maray Beelahaasi waxaa lagu dilay 160 qof oo ka soo jeeda Xoolo-dhaqatada Beesha Fulaani.

Dhinaca kale, weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca dalkaasi waxa uu dhacay Axaddii la soo dhaafay, kadib, markii dabley aan la aqoonsanin beegsadeen Saldhig Milliteri, oo ay ku dileen 11-Askari, kuna gubeen Xeradaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media