Dalka Cuba oo Madaxweyne cusub yeeshay

Madaxweynaha cusub ee Dalka Cuba ayaa loo dhaariyay Miguel Diaz-Canel, isagoo Shantii Sano ee ugu dambaysay ku xigeen u ahaa hoggaamiyhii isaga ka horreeyay ee Raul Castro.

Mr; Diaz-Canel oo 57 jir ah ayaa beddelaya Raul Castro oo 86 jir ah, kaasoo muddo 12 Sano ah soo maamulayay Dalkaasi, ka dib markuu isna Kursiga kala wareegay Walaalkii Fedel Castro oo ahaa Aabbihii Kacaanka Cuba.

Dalka Cuba oo ka tirsan Waddamada laysku yiraahdo Laatiin America ayaa waxaa 60-kii Sano ee lasoo dhaafay soo xukumayay Qoyska Reer Castro, waloow uu haatanba talada Xisbiga Shuuciga weli sii hayo Raul Castro.

Miguel Díaz-Canel oo dhashay wixii ka dambeeyay curashadii Kacaanka Cuba, ayaa la sheegaa inuu saaxiib dhow la yahay Raúl Castro, wuxuuna sheegay inuusan wax is beddel ah ku samayn doonin siyaasaddii uu ku shaqaynayay Xisbiga Shuuciga.

Madaxweyne Diaz-Canel oo ka hadlayay xafladdii caleema saarka ee lagu dhaarinayay isaga ayaa sheegay inuu Kacaanku horay u sii socon doono, wuxuuna farriin quus ah u diray kuwa ku taamaya is beddel ballaaran iyo furfurnaan.

Jamhuuriyadda Kacaanka ee Cuba ayaa markii ugu horreysay yeelatay hoggaamiye aan kasoo jeedin Qoyska Reer Castro oo illaa 1959-kii soo kala dhaxlayay xukunka Dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media