Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ka soo kabashada khasaarihii ka dhashay qarixii todobaad ka hor ka dhacay Isgoyska 14 Octoper Ex Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in wixii dhacay haatan intooda badan laga gudbay kadib Gurmadyo kala duwan oo ay sameeyeen Shacabka iyo waliba sidoo kale Wadamada taageera Soomaaliya.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dalkaan uu u baahan yahay waxqabad ay muujiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana haatana guud ahaan dalka laga dareemay.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir in ay muhiimada Koowaad siiyaan amniga isla markaana ay kala Shaqeeyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa dalka waxaa ka jirtay xaalad murugo ah kadib markii qarixii ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen in ka badan 300, oo ruux ka badana ay ku dhaawacmeen taas oo lagu tilmaamay in ay aheyd Musiibo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Thaabita