Ilo-wareed Maxali ah ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee Alwasad ee dalka Libya inay magaalladda Sirta ee Bariga Libya soo gaareen Dagaalyahanno cusub oo ka tirsan Kooxda Daacish.
Ilaa 20 dagaalyahan oo u kaal dhalatay dalalka Somalia, Tunisia iyo Algeria ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee Jimcihii la soo gaareen soo gaareen magaalladda Sirta, iyagoo la socday Gaadiidka Toyoto Pick Up-ka.
Dagaalyahanadaasi oo watay Hub iyo Hal-ku-dhegyadda Daacish ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Degmadda Sabratha, oo ay ka soo gudbeen Degmooyinka Abu Najaym, Zamzam iyo Jaref waa sida lagu qoray Alwasad.com
Kooxda Daacish waxay ku-dhawaad hal sanno maamulaysay Degmadda Sirte, waxayna isku ballaariyeen Bin Jawaad ilaa Bariga, iyagoo ka asaasay Imaarad Islaami ah, waxay soo rogeen Sharciyo Adag, waxay bedeleen Nidaamka Waxbarashadda ee Dugsiyadda halkaasi ku yaalla iyo Fasaxa dabayaaqadda Toddobaadkiiba.
Dhinaca kale, Kooxda Daacish ee Libya waxay toogasho ku dileen labo walaalo oo ka tirsan Qoyska Bin Nayl Madani, kadib, markii lagu soo oogay inay taageereen Salafistayaasha.
Xigasho: Libya Prospect
©Radio Dalsan