Dagaal Ka Dhacay Degaano ku Dhow Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ay Dalsan ka heleyso gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta duhurkii deegaano hoosyimaada Degmada Mahadaay ee gobolkaasi uu kadhacay dagaal xoogan oo udhaxeeya Ciidamada Amisom iyo Dagaalyahaano katirsan Al-shabaab.

Warar kala duwaan ayaa kasoo baxaya dagaalka oo la xariira dhinaca qasaarah oo aan la,ogaan inta uu gaarsiisanyahay iyadoona Daryanka hubka laga maqlayey meelo ka baxasan halka uu kasocday dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ay wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ay kuwaramayaan in ciidamo katirsan Amisom oo kusiijeeday xero ay ku leeyihin Miir-tuugo loo galay wadada islamarkaana ay Ciidan katirsan Shabaab wadada ugaleen Golonyo gaadiid oo ay sarnaayeen  Amisom oo mareyey deegaanadaasi weerarna ay ku  ekeeyeen Al-shabaab waxaa lasoo wariyey qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo an la,ogaan tira ahaan waxaana ay faahfaahino kala jaad ah kasoo baxayaan waxyeelada ka dhalatay  Dagaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media