Dagaal xooggan oo ka socda deegaanka Mooyaale iyo warar ka soo baxaya.

War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in dagaal culus uu ka socdo deegaanka Mooyaale ee ku yaala xadka kala qeybiya labada dal ee Kenya iyo Itoobiya

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay mid aad u culus isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan waxana uu dagaalka u dhexeeyaa maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada degay

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku u dhexeeyo Maleeshiyaad kasoo jeeda Oromada iyo qabiilka Garraha oo halkaasi wada dega.

Dadka deegaanka ee ku nool dhinaca Kenya ayaa waxa ay sheegeen in illaa iyo saaka ay maqlayeen rasaas xoogan oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac

Dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale jira oo ka dhashay dagaalka,waxana qaar kamid ah dhaawacyada loo qaaday dhinaca xadka Kenya si halkaasi loogu dabiibo

Wixii kusoo kordha kala soco Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media