Dagaal xoogan oo ka socda deegaan ka tirsan G/Sanaag

Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Dagaalkan ayaa waxaa sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo fadhigaab ee ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana lasoo sheegayaan in Maleeshiyo beeleedka ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka Maleeshiyaadka uu salka ku haayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka fadhigaab, welina lama oga Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkaas.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo Odayaal dhaqmeed ayaa lagu soo waramayaa inay ku baxeen dagaalka dhexmaraya labada Maleeshiyo beeleed, iyagoo doonayan inay joojiyaan dagaalka socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media