Dagaal u dhexeeyay maleeshiyo hubeysan oo Maanta ka dhacay degaano ka tirsan Mudug

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo Maanta ka dhacay deegaano u dhaxeeyo laanwaalay iyo  Degmada Saaxo ee Gobalka Mudug, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray, sida ay kusoo warramayaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed uu markii hore ka bilowday muran la xiriira dhul ku yaalla inta u dhexeeysa deegaannada laanwaalay iyo  Degmada Saaxo ee Gobalka Mudug.

Dagaalkan ayaa haatan istaagay, isla markaana waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu dhex galayo labada maleeshiyo beeleed ee Maanta dirirto dhexmartay, kuwaasi oo kasoo kala jeeda Gobolka Mudug ee maamulada Puntland iyo Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor