HomeWararDagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ka dhacay Magaalada...

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo duhurnimadii Maanta oo Jimco ah ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolkaaan Banaadir. Dagaalka dhexmaray Ciidamadan dowladda ee kala ah Milateri iyo Boolis ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Waxar-Cadde ee Hiliwaa, waxaana inta uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo duhurnimadii Maanta oo Jimco ah ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolkaaan Banaadir.

Dagaalka dhexmaray Ciidamadan dowladda ee kala ah Milateri iyo Boolis ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Waxar-Cadde ee Hiliwaa, waxaana inta uu socday dagaalka la maqlayey dhawaqa rasaas xoog leh oo isdhaafsanayeen labada dhinac.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka u dhexeeyay Ciidanka Booliska iyo kuwa Milateriga uu salka ku haayo Arrimo la xiriira dhul ku yaalla degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, welina lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Maamulka Hiliwaa iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin dagaalka dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan dowladda, waxaana qaar kamid ah dadka deegaanka xaafadda Waxar-Cadde ay ku warrameen in dagaalka uu xooganaa.

Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey uga dhacay dagaal geystay khasaaro nafeed oo dhexmaray Ciidamo ka kala tirsan Milateriga iyo Booliska dowladda, iyagoona inta badan murankooda uu ka dhasho dhulal.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts