Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda Galgaduud

Wararka aan ka helayno degaanka Bulacle  ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda uu halkaasi ka qaraxay, waxaana wararku ay sheegayaan in uu jiro khaasare ka dhashay dagaalkaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu wali socdo, ayna maqlayaan Jugta hubka la isku adeegsanayo iyo Rasaas laga maqlayo halka uu dagaalku ka socdo.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, balse warar aan helayno ayaa sheegaya in uu dagaalku uu yahay mid xooggan, waxaana la jira sida dadka degaanku ay sheegyaan khasaare ka dhashay dagaalka.

Saaka ayay ahayd markii Dagaal u dhexeeya Ciidanaka Xoogga Dalka iyo Al-shabaab ayaa Subaxnimadii hore saaka waxaa uu ka qarxay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, iyadoo Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, islamarkaana haatan ay iyagu gacanta ku hayaan ciidamada xoogga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media