Dagaal Tukaraq ku dhexmaray Soomaaliland iyo Puntland

Dagaaladaas oo u dhaxeeyey Ciidamada weli isku-hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxa ay xalay ka dhaceyn deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura ay maqleen jugta hubka fudud iyo midka culus oo ay isku-adeegsanayeen ciidamada labada Maamul ee soomaalilnad iyo Puntland.

Khasaaro dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheyn dagaaladaas,waxaana weli ka hadlin saraakiisha labada dhinac.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaanka Tukaraq waxaa gaaray Ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda labada maamul,taas oo sii hurisay xiisada deegaanka Tukaraq.

Badi dadkii ku noolaa ayaa deegaankaas isaga barakacay si uusan saameyn ugu yeelaan,waxana weli jirin cid kala dhex gashay labada ciidan ee qarka u saaran in ay dagaalamaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor