HomeWararDagaal markale ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn iyo khasaaro ka dhashay

Dagaal markale ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Wararka naga soo gaaraya tuulooyin  hoostaga deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale uu ka dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo u dhaxeeyay laba maleeshi Beeleed. Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Ceeryaan ee Koonfuta Magalada Ceerigaabo,waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka oo saakey Waabirigii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya tuulooyin  hoostaga deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale uu ka dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo u dhaxeeyay laba maleeshi Beeleed.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Ceeryaan ee Koonfuta Magalada Ceerigaabo,waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka oo saakey Waabirigii bilaawday uu sababay dhimashada Saddex ruux oo labada dhinac ee wada dagaalamay ah iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan.

- Advertisement -

Dhawaan ayaa deegaanka Ceel Afweyn waxaa lagu soo gaba gabeeyey shir lagu heshiisiinayay labadaasi beelood,balse Maanta markale uu dagaal ka dhacay tuulooyin horleh oo markii hore ahaa kuwo Nabdoon.

Waxgaradkii labada beelood ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa weli waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaaliland Cabdullaahi Ismaaciil Seylici ayaa dhawaan waxa uu shegay in soomaaliland aysan aqbaleyn in dadka Shacabka ah dushooda lagu dagaalamo balse ay u muuqato in hadalkaas aan loo hoggaansamin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts