Dagaal mar kale ka dhex qarxay dowladda Itoobiya iyo TPLF

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Kobo, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Tigreega.

“Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo saaka biloowday,” ayuu yiri mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Kobo oo magaciisa ka gaabsaday, isaga oo intaas sii raaciyay “Toddobaadkii hore, waxaan arkay ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyada Fano oo bas ku sii socda xagga hore.”

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Billene Seyoum ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay inay macluumaad ka bixiyaan warkan.

Afhayeenka TPLF Getach Reda, ayaa goor dhaweyd farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu yiri “Ciidanka taliska Abiy ayaa duullaan ku qaaday fariisimaha aan ku leenahay jiidda Koonfureed”

Telefishinka Tigrai, oo ah warbaahin ay maamusho Tigray, ayaa sheegay in “ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada inay bilaabeen weerar ballaaran abbaaro 5:00 subaxnimo.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor