Dagaal mar kale ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa soo baxaya dagaal xalay mar kale deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM iyo dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa hub culus oo la isku adeegsaday dagaalkaas oo sigaar ah uga dhacay deegaanka Arbacow oo ka tirsan Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Al-shabaab marka hore ay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen Saldhiga  Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Arbacow, hayeeshee markii dambe uu bilowday dagaal mudo kooban socday.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha dagaalkaas iyo madaafiic Jawaab oo ay tuureen Ciidanka AMISOM, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha biyaha, waana markii labaad oo todobaad gudihiisa dagaal ka dhaco halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media