Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in Taliyihii ciidamada Macaawisleyda gobolkaasi, Cabdi Yuusuf Salaad (oo loo yaqaanay Cabdi Goomey), lagu dilay dagaallo culus oo ka socda xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Taliye Goomey ayaa ku geeriyooday dagaalkii ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee degmada Moqokori, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan halkaasi. Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay gudaha gobolka, iyadoo dad badan oo reer Hiiraan ah ay baraha bulshada uga muujiyeen murugo iyo tacsi.
Cabdi Goomey wuxuu ka mid ahaa taliyeyaasha ugu magaca weyn ee Macaawisleyda, waxaana sannadkii 2022 si rasmi ah loogu abaalmariyay lacag dhan $10,000, kadib markii uu ka takhalusay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kana soo jaray madaxooda.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyaha, iyagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka madaxii maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Waxay sidoo kale sheegeen inuu muddo dheer bartilmaameed u ahaa weerarradooda.
Dilka Taliyaha Macaawisleyda ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood kadib markii si shirqool ah loo dilay Taliyihii Guutada 26-aad ee qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale, oo la toogtay kadib markii askari ka tirsan ciidankiisa uu rasaas la beegsaday.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dagaallada ka socda gobolkaasi ay socdaan maalmo xiriir ah, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay sii fidaan.