Wararka aan ka heleyno deegaano hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in barqanimadii Maanta halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.
Dagaalkaas oo socday in ka badan saacad ah ayaa waxaa uu salka ku hayaa Arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana Maleeshiyaadka inta uu socday dagaalka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay deegaano fog-fog, wuxuuna sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Filla dheere oo ku yaalla waddo muhiim ah oo marin u ah deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Warsheekh.
Inta la xaqiijiyay Afar ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkii ka dhacay Filla dheere, mana jiro Khasaaro dhaawacyo ah oo lasoo weriyay, waxaana inta uu dagaalka socday adkeyd in aaga laga Agdhawaado, maadaama la isdhaafsanayay hub Culus.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu maalmihii lasoo dhaafay waan-waan ka dhex-waday Maleeshiyaadka dagaalay, iyadoona ay weli socdaan dadaalo lagu joojiyo Colaada soo cusboonaatay.
Dhinaca kale Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, iyagoo Maamulka Hirshabeelle ka dalbaday inay kala dhex-galaan beelaha walaalaha ah ee halkaas ku dagaalamaya.
Dagaalka beeleedka ka dhacay deegaanka Filla dheere ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, isla markaana kal horey Maleeshiyaadka heshiis la kala dhex-dhigay, balse ugu dambeyn markale uu dagaalka bilowday.