Dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay koofurta Gobolka Hiiraan

Warar dheraad ah aya kasoo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Macawisleyda iyo xubno ka tirsan Dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khaasare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana si gaar ah uu uga dhacay degaan lagu Magacaabo xalfooy oo ku yaalla koofurta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Ciidanka Macawisleyda ay wadada u galeen Gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaanno ah oo Al-Shabaab ay wateen, waxaana wararkii ugu dambveeyay ay tilmaamayan in Ciidanka Macawisleyda ay gubeen gaarigii ay weerareen.

Sidoo kale Xubno ka tirsan Ciidanka degaanka ee Macawisleyda ayaa sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen dagaalamayaasha AL-Shabaab ee gaariga la socday.

Weerarkaasi kadib wararkii ugu dambeeyay waxaa ay tilmaamayaan in degaanka laga dareemayo saan-san dagaal, waxaana labada dhinac ay wadaan diyaar garaow xooggan oo ku aaddan dagaal ay galaan labada dhinac.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor