Dagaal ka socda Degmo ka tirsan Gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo dagmadaas, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan Guddoomiyihii degmadaas ee xilka qaadista lagu sameeyay.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii Guddoomiye Ibraahin Maxamed Nuur Shik-shigoow uu diiday inuu wareejiyo xilka Degmada Diinsoor, isla markaana waxaa weerar ku qaaday Guriga uu ka deganaa Ciidanka dowladda.

Dadka deegaanka Diinsoor ayaa sheegay in dagaalka uu weli ka socdo gudaha Degmada ayna Ciidanka dowladda iyo kuwa taabacsan Ibraahin Shik-shigoow ay isdhaafsanayaan rasaas xoogan.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, sidoo kalena ma jirto wax wax ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayan dagaalka ka socda Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed uu Maamul Cusub u magacaabay Diinsoor, isla markaana xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Degmada iyo ku-xigeenadiisa amniga iyo siyaasadda iyo Arimaha Bulshada ee degmadaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media