Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Al-shabaab iyo ciidanka Millateriga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dagaalamay duleedka  Magaalada Marka  ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in dagaalkaas uu khaasaare ka dhashay.

Dagaalka ayaa  yimid ka dib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Millateriga ku leeyihiin degaanka Ceeljaale oo ah duleed magaalada Marka.

Sarakisha ciidanka dowladda ee degaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in ay iska difaaceen dagaal kaga yimid Al-Shabaab, waxaana intaas ay  ku dareen in ay khaasare gaarsiiyeen.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka Dowladda ee Ceeljaalle ayaa sheegay ay dagaalkaas ku dileen xubin sare oo Al-shabaab ka tirsan, isagoo carrabka ku dhuftay in ay jiraan tiro kale oo ay dhaawaceen.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose waxa tiro dhowr jeer ah ku dagaalamay Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaliya, waxaana inta badan dagaaladaas ka dhasha khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaaca.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media