Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa habeenimadii xalay fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoos yimaada magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa lagu beegsaday fariisimo muhiim ah oo kooxdaasi ku lahayd deegaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare ballaaran oo dhinaca Al-Shabaab ah. Goobaha lagu weeraray ayaa gabi ahaanba la burburiyay, iyadoo maleeshiyaad badan lagu dilay ama lagu dhaawacay.
Sidoo kale, duqeymo culus ayaa lala beegsaday xeryo iyo goobaha ay ku sugnaayeen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo sii xoojisay khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxda.
Sheekh Cali Muuse, oo ka mid ah culimada deegaanka Nuur Dugle kana qeyb galay gurmadka degdegga ah, ayaa u sheegay Warbaahinta Risaala in weerarku uu guul weyn ku dhamaaday, isla markaana ay socdaan dhaqdhaqaaqyo amni oo lagu xaqiijinayo deegaannada ku dhow halka weerarku ka dhacay.