Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxaysa degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceeldheere Buraale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus oo halkaasi ka socday ay mareen maalintii labaad, iyadoo la xaqiijiyey in uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray. Si kastaba ha ahaatee, weli lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Xogaha la helayo ayaa muujinaya in labada dhinac ay xalay isku horfadhiyeen jiidda hore ee dagaalka, halkaasoo uu saaka dagaalku ka qarxay mar kale.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkaan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka. Sidoo kale, waxay xuseen in shacabka deegaanka ay door muhiim ah ku leeyihiin taageerada iyo fududeynta howlgallada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacabka deegaanka si loo xoreeyo dhulka wali gacanta ugu jira Alshabaab