Dagaal culus oo hadda ka socda qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Dagaal ayaa hadda ka socda Agagaarka Mirinaayada iyo nawaaxiga Isgoyska Kalluunka, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas culus oo la isku adeegsanayo.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan Rasaasta, waxaana sida la sheegay in aaggaas ay isku hor fadhiya Ciidanka Millateriga gadoodsan iyo sidoo kale Ciidanka Dowladda, waxaana hadda xaafado ka tirsan Muqdisho si weyn looga maqlayaa dhawaqa rasaasta.

lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka socda, waxaana la sheegayaa in xaaladdu kascsan tahay, iyadoo dadka degaaanka ay soo food saaratay casbi aad u weyn oo ay ka qabaan in uu saameyn ku yeesho dagaalka dushooda ka socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor