Dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab

Wararka Maanta naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku waramayaan in deegaano ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sameysteen degaan lagu Magacaabo Hareer-Tuur.

Deegaanka Hareer-Tuur ayaa u dhaxeeya degmada Balad-Xaawo iyo Tuulo Barwaaqo,waxaana shalay Gelinkii dambe fariisin Cusub ka sameystay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka baxay degmada Doolow.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal mudo Saacado ah socday ay ku geeriyoodeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,isa markaana weli rasaas goos goos ah laga maqlayo deegaanka Hareeri-Tuur.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya ayaa gaaray deegaanka Hareer-Tuur,kuwaas oo gurmad ahaan uga baxay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor