Dagaal Ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray Gobolka Sh/hoose

Wararka idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal khasaaro kala duwan geystay uu ka dhacay halkaa islamarkaana u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii xubno ka tirsan Alshabaab la sheegay in ay weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle saldhig ay ciidamada dowladda fedraalku ku leeyihiin.

Dadka deegaanka oo la hadlay dalsan waxa ay sheegeen in dagaalku uu socday wkhati kooban la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana aysan ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiisha ciidamada milatarigu ma aysan sheegin khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas waxes ay tilmaameen in ay iska difaaceen weerar gaadmo ah oo Alshabaab ay kusoo qaadeen sida ay hadlka u dhigeen.

Alshabaab ayaa sidaan oo  kale dhowr jeer weeraro ugu qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kuwaas oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media