Caawa Salaadii Maqrib kadib ayaa waxaa la sheegay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen koontorool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya ay ku leeyihiin Gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Dad ku sugan Balcad ayaa u sheegay Dalsan in xilligii la dukaday Salaada Maqrib ay maqleen jug culus iyo rasaas mudo daqiiqado ah socotay,isla markaana weerar lagu soo qaaday koontorool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin marka laga yimaado dhanka Biyo Xireenka ama beeraha Mashruuca.
Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo saacad ku dhow socday,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.
Wararka qaar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Afar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa koontoroolka la soo weeraray ay dagaalkii dhacay ku geeriyoodeen,sidoo kalena uu jiro dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah Ciidamada.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug) oo Dalsan la xiriirtay ayaanan ka jawaabin taleefoonadeena,hayeeshee dadka ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegayaan inay Caawa cabsi soo wajahday,isla markaana Goobaha qaar ee Ganacsiga Magalada ay xiran yihiin.