Maamuladda Galmudug iyo Puntland ayaa ku jira dedaalkii ugu danbeeyey ee lagu soo af jaraayo dagaal beeleedka ka socda gobolka Mudug.
Wararka halkaas naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in,Dowladdaha Galmudug iyo Puntland wufuud ka socotaa ay gaareen goobihii lagu dagaalamey ee Galbeedka mudug.
Masuuliyiinta ayaa kormeer ku maray deegaanadii dirirtu ka dhacday kadibna isugu yimid dhex bartanka goobta labada ciidan isku hor fadhiyaan, waxayna soo saareen qodobadan:-
1. In xabad joojintii labada dhinac la xoojiyo lagana hortago dhiig dambe inuu daato.
3. In guddi labada dhinac ah oo ka xaajooda arrimaha la isku hayo oo dhulku kamid yahay lasoo magacaabo, labada dowlad Goboleedna ay yeeshaan kor joogteyn.
4. In Ciidan la kala dhex dhigo goobta lagu diriray, isla markaana xaqiijiyo qodobada sare ku xusan iyo wixii kasoo baxa guddiga la magacaabi doono