Dagaal culus ayaa saaka waaberigii ka qarxay deegaanka Buq, oo ku dhow degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaas oo laba maleeshiyo beeleed isku fara saareen. Dagaalka ayaa weli socda, waxaana wararkii ugu dambeeyay laga helayaa khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinacba soo kala gaaray.
Dagaalkan ayaa daba socday iska hor imaad khasaare badan sababay oo shalay ka dhacay isla deegaanka Buq, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa intaa ku daraya in ugu yaraan 10 ruux oo ka mid ah dhinacyada dagaallamaya ay ku dhinteen dagaalka, halka in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.
Colaaddan oo soo noq-noqotay muddo dheer ayaa marar badan lagu sameeyay isku dayo nabadeed, iyadoo odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta gobolka ay isku dayeen inay waanwaan ka dhex sameeyaan labada beelood. Hase yeeshee, dadaalladaas nabadeed ayaan ilaa iyo hadda guulaysan, waxaana weli jira xiisad sareysa oo ka dhalatay colaadda oo mar kasta dib u soo cusboonaysata.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo cabsi laga qabo in dagaalku sii xoogaysto haddii aan si degdeg ah loo xallin. Maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga ayaa loogu baaqayaa in ay tallaabooyin dheeraad ah qaadaan si loo joojiyo dhiigga daadanaya, loona soo afjaro colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa beelahan.