Dagaal Al-Shabaab iyo Shacab ku dhexmaraya deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoostaga degmada Cadale uu dagaal culus ku dhexmaray Al-Shabaab iyo dad Shacab ah.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel-Muluq oo hoostaga degmada Cadale,waxaana dad ku sugan halkaasi ay sheegeen in Shabaab ay deeganka weerar kusoo qaadeen.

Mid ka mid ah dadka tuulada Ceel-Muluq ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii Koox ka tirsan macaawusleyda dagaalka kula jirtay ay deegaanka soo gaareen,waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray in Shabaab Guryo ku yaalla tuulada ay gubeen.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka,waxaana saakay tuulada Ceel-Muluq ee Gobolka Shabeellaha Dhexe laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah,waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan.

Bilihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka taagnaa xiisad dagaal oo u dhaxeysay Al-Shabaab iyo koox la Magac baxday macaawisley oo ay dhowr mar wada dagaalameen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor