Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii ka dhacay Afgaanistaan oo cabsi Cudur soo wajahday

Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa soo mara dalka Afgaanistaan 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in aysan haysan cunno iyo hoy isla markaana ay ka cabsi qabaan in cudurka daacuunka uu dillaaco deegaannadooda.

Gobolka Paktika ayaa ah meesha ugu daran ee ay masiibadu ku habsatay. Agha Jan waa mid ka mid ah dhibbanayaasha dhul-gariirkani, waxa uuna isaga oo ilmeynaya uu eegayaa halkii uu ku burburay gurigooga.

“Kuwani waa kabihii wiilashayda,” ayuu yiri. Saddex caruur ah oo uu dhalay iyo laba xaas oo uu qabay ayaa iyaga oo hurdaya ku dhintay dhul-gariirkaasi.

Deegaannada ku xeeran tuulada Agha Jan ee degmada Barmaal ee gobolka Pakistan ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul-gariirka, waxaana la rumeysan yahay in ku dhawaad 1,000 qof ay ku dhinteen, halka 3,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ku dhawaad guri kasta oo ku yaal tuulada uu deggan yahay Agha Jan, oo guud ahaan ka sameysan dhoobo iyo dhagxaan, ayaa u muuqata mid aad u burburtay. Ku dhawaad qoys kastaa oo halkaa ku nool ugu yaraan qof ayaa ka dhintay oo tacsi ayaa u taal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor