Dadka ku dhintay qarax ka dhacay masaajid ku yaalla Pakistan

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 90 qof ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Pakistan.

Dadka dhaawacmay qaarkood xaaladdoodu aad ayay u liidataa, kadib qaraxan ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Peshawar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen qaraxa’

Qaraxa ayaa burburiyay qeyb ka mid ah dhismaha masaajidka.

Saraakiisha ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku hoos jiraan masaajidka burburay.

Adeegyada caafimaad ee deegaanka ayaa laga deyrinayaa iyadoo tobanaan qof oo ku dhaawacmay qaraxa la geeyay isbitaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor