• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Dadka Kenyanka aan haysanin E-Passports oo aan heli doonin Dal-ku-galka Mareykanka

Bilan Media by Bilan Media
May 1, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax Fiiso ah siin doonin ddaka Kenyaanka ee haysta Baasaboorka nooca duug ah, sidaa waxaa lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi.

Tallabadaasi ayaa ah wareeg kale oo ay dadka Kenyanka ugu tartami doonaan si ay ku helaan Baasaboorada Electonic Passports ama E-passports.

Safaaraddu waxay sheegtay in dadka haysta E-passports o okeliya loo aqoonsan doono kuwa la siinayo Fiisaha dal-ku-galka Maraykanka, waxayna tani ka dhigaysaa in dalka Maraykanka yahay dalka ugu weyn dalalka Reer Galbeed ee codsada Nooc cusub ee Dukumentiyadda lagu socdaalo ee Kenyan Travel documents.

“Waxaan awoodnaa oo keliya inaan Fiisaha Maraykanka ku dhufanao Baasaboorka cusub. Waad ku dhigan kartaa Ballan Baasaboorkaaga haatan, balse waxaad u baahan yahay inay hesho E-passport, ka hor waxaan awoodnaa inaan ku siino Fiisaha” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi .

Waxa uu intaasi sii raaciyey in dadka Fiisaha Maraykanka  loo saaray Baasaboorka duug inaan loo oggolaan doonin inay galaan Maraykanka, ilaa ay ka soo qaataan Baasaboorka E-passports.

Tallaabadda Safaaradda Maraykanka ku adkeysay qaabka dadka Kenyanka u helaan Fiisaha, ayaa timis, iyadoo Saraakiisha Dowladda Kenya, gaar ahaan Madaxa Adeegga Guud, Joseph Kinyua oo ka mamnuucay socdaalka Saraakiisha aan weli helin Baasaboorka nooca cusub ee E-passports.

Isbuucii la soo dhaafay, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, Macharia Kamau waxa uu sheegay inuusan Xafiiskiisa codsiga Fiisaha ku taageeri doonin Saraakiisha Sarsare ee Dowladda ee aan haysanin  E-passport.

Baasaboorka nooca Elektoroonikada ee Kenya waxaa la bilaabay sannadkii 2017-kii, balse waxa uu si buuxda u dhaqan geli doonaa bisha August 31-da ee sannadkan, taasi oo oggolaanaysa in laga gudbo kii hore.

Laakiin, bishii December ee sannadkii hore, Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto waxa uu muddada kama  dambaysta ee Kala-guurka Baasaboorkii hore iyo kan cusub noqon doonto sannadka 2020-ka, si fursad loo siiyo inay Kenyan badan codsadaan Baasaboorka E-Passport.

Bishii Janaayo ee sannadkan Baasaboorka cusub ee Kenya waxaa la sheegay inay heleen 40,000 oo qof, balse, waxaa weli  lagu safri karaa oo keliya waa  Baasaboorkii hore.

Qurbo-joogta dalkaasi waxay ka cabanayaan helitaanka Baasaboorka cusub, waxayna ku khasban yihiin inay ku soo laabtaan Kenya, si ay safaf dheer u galaan si ay u dalbadaan Baasaboorka cusub.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi waxay horey u sheegtay inay  in Xarumo laga bixiyo Baasaboorada cusub laga furi doono magaallooyinka London (UK), Paris (Faransiiska), Washington (Maraykanka), Pretoria (South Africa), Dubai (Imaaraadka Carabta), Berlin (Jarmalka).

Previous Post

Dhageyso:- Warka Habeenimo Ee Radio Dalsan

Next Post

Dhageyso;- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Next Post

Dhageyso;- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – Somalia’s Minister of Internal Security, H.E. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), today received the Ambassador of the People’s Republic of...

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada...

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia wishes to make it unequivocally clear that no military forces have been deployed to the...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri...

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
English News

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
  • Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
  • No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
  • Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00